Sunday, March 22, 2015

Halkan waxaan idiinku soo bandhigayaa 9 Qodob oo hadii aad samayso gacanta aad ku dhigayso furaha Farxada Noloshaada.


1.Eeg waxyaabaha dabiiciga ah.


kuwaas oo ka muuqda hareerahaaga sida Cirka, Dhirta iyo Makhluuqaadka kale, taasi waxay ka yaraynaysaa Stress ka ama walaaca iyo fakarka, waxayna sara u qaadaysa Maskaxdaada gaaar ahaan qaybta kaydka xasuusta.


2. Jimicsi (Exercise)


Waxaan dhamaan la soconaa muhimmada ay leeyahay in la sameeyo jimcisi waxaa kor u kacaya farxadaada, jiifkaaga oo qurxoonaada muqaal ahaan, baaritaano ay sameysay Jaamacada caanka ah ee Harvard waxaa lagu ogaada in sirta ka dameysa nolosha wanaagsan ay tahay Jimicsiga oo la badiyaa.


3. Waqti La qaado Asaxaabtaada iyo Qoyskaaga.


Daniel Gilbert oo ah khabiir ka tirsan Jaamacada Harvard ayaa wuxuu leeyahay sirta ka dambeysa farxada waa in qofku waqti la qaato dadka u dhow, waxa la ogaaday in qofka kali noolka ah ee aan laheen asaxaabta ama aan xiriirin qaraabadiisa sida waalidiintisa in uu halis ugu jiro cuduro halis ah u  ka midyahay wadno xanuunka. wararka ku saabsan noloshaada oo lala wadaago dadka ku dhow waxay kor u qaada farxada qofka.

4. Mahad celin joogta ah.

waxaa qofka looga baahanyahay in uu si joogta ah ugu mahad celiyo Eebe. waa in aad ka mahad celisaa maalin walba oo ku so marta, sidoo kale dadka ku caawiyana u mahad celi taas waxay kor u qaadaysa farxada qofka.

5. Hurdo/Seexo Waqti kugu filan.

Hurada/jiifka uu ku yaraada qofka waxay ka hor istaagtaa in u farxo, waxaa kaloo laga dhaxlaa hurda yarida dhibaatooyin caafimaad oo fara badan sidaas daraadeed waxaa muhiim ah inaad waqti kugu filan sariirta ku qaadato.

6. Carbi Naftaada.
Isku day in aad wax cusub barato, sida luqad cusub ama maado cusub taas waxay ku u qaadaysaa caqligaaga.

7. Qosol.

Dadka qosolkoodu badanyahay waxaa la ogaaday in difaaca jirkoodu sare u kaco taas oo keenta in uu qofku iska difaaco cuduro badan.

8. Samee Xiriir Guur.

Waxaa baaritaano badan oo la sameyay lagu ogaaday in guurka uu ka midyahay waxyaabaha keena farxada dheereeyana cimriga qofka,

9. Dhinaca wanaagga ka eeg wax walba.

Mar walba u fakar dhanka wanaagga, iska ilow in aad fiiriso xumaanta, mar walbo aamin in xaalada aad ku jirto mid ka wanaagsan aad ku dhamaan doonto. waa arin diini ah oo Rasuulk NNKH Muxamed ayaa arinkaa amray.